La Ogaaday: Real Oo Ku Sigatay In Messi Kula Soo Hishiyaan Hawada Sare , Diyaarad Dhexdeedana Kula Kulmaan

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u ahayd in ay kooxda Barcelona ka afduubato saxiixa xiddiga ugu muhiimsan ee Lionel Messi iyada oo maraysay qaabkii ay horay uga afduubatay xiddiga ahan halyeeyga reer Portugal ee Luiz Fogo.

Real Madrid ayaa la ogaaday in ay diyaar u ahayd in ay bixiso lacagta lagu bur-burin karay heshiisa Lionel Messi ee sanadkii 2013 ka hor inta ayna ugu dambayn dhamaystirin saxiixa Gareth Bale.

Qareenka xiddiga ayaa Aabah Messi ee Jorge Messi ku wargaliyay xiisaha Kooxda Real Madrid ay u qabto xiddiga waxaana uu noqon lahaa rikoodha suuqa kala iibsiga hadii la dhamaystiri lahaa.

Spiegel, oo xubin ka ah shabakadda EIC oo ay EL MUNDO leedahay, ayaa soo warisay in heshiisku uu ahaa 250 milyan oo euro.

Real Madrid ayaa doonaysay in ay xiddiga mushahar ahaan u siiso lacag dhan 23 milyan sanadkii iyada oo doonaysay in ay ka saxiixato heshiis ilaa 2021 ah halka ay Messi Aabihii doonaysay in ay siiso hal milyan oo dheeraad ah.

Kooxda Real Madrid ayaa beenisay in ay dalab noocaas ah ka gudbisay xiddiga.

“Warbixintaas ma xaqiijinayso xaqiiqda ama runta gabi ahaan waa been”ayay yiraadeen.

Warka ayaa lagu soo daray faah-faahinta qorshaha ay kooxda Real Madrid doonaysay in ay ku hesho saxiixa xiddiga.

Kulanka ayaa lagu qabtay diyaarad khaas ah dhexdeeda kaas oo u dhexeeyay Lionel Messi,qareenkiisa,Madaxweynaha kooxda Real Madrid iyo agaasimaha kooxda Real Madrid iyo qareenka Real.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply