La Ogaaday: Emre Can Oo Iska Diiday Laba Kooxood Ka Hor Inta Uuna Heshiiska La Gaarin Juventus, Mid Ayaa Premier League Ka Ciyaarta

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool ee Emre Can ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday laba kooxood oo ay mid premier league ka ciyaarto ka hor inta uuna heshiiska hordhaca ah la gaarin kooxda Juventus sida ay sheegayaan wararku.

Emre ayaa diiday dalabyo ka yimid Manchester City iyo Bayern Munich ka hor inta aysan heshiis la gaarin Juventus, sida laga soo xigtay wargeysyada Talyaaniga.

Liverpool ayaa wali rajo ka qabta inay sii haysato adeega qadka dhexe ee Jarmalka, inkastoo oo uu heshiis hordhac ah la gaaray kooxda Bianconeri.

xilli uu kaliya 24 jir yahay xiddigan reer Germany ayaa soo jiitay kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya adeegiisa in ay si xor ah ku hlaan.

Si kasta ha ahaatee wargayska TuttoSport ayaa sheegaya in Juventus adeega xiddiga ku garaacday kooxo waaweyn oo badan.

Can ayaa la fahamsan yahay in uu ogolaaday heshiis uu todobaadkii ku qaadan doono lacag dhan 85 kun oo Gini waxaana uu u dhaqaaqi doonaa kooxda Turin xagaaga marka uu qandaraaskiisu dhacayo Anfield.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply