Kulanka Ugu Horeeya Ee Uu Alexis Sanchez U Ciyaari Karo United Oo La Ogaaday

Kooxda Man United ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto heshiiska Alexis Sanchez oo ku kacaya lacag dhan 65 milyan oo euro kaas oo uu ka mid yahay xiddiga khadka dhexe ee Henrikh Mkhitaryan oo ku biiri doona kooxda Arsenal.

Sanchez ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda Old Trafford 48 saacadood ee soo socda waxana laga yaabaa in uu kulankiisa ugu horeeya Man United u ciyaaro sabtida kulanka ay United la ciyaari doonto kooxda Burnley.

Kooxda Man United ayaa Arsenal miiska u saari doonta lacag dhan 25 milyan oo euro iyo waliba xiddiga khadka dhexe ee Mkhitaryan kaas oo si toos ah ugu biiri doona kooxda Arsenal.

Sidoo kale Sanchez ayaa jeebka ugu shubi doonaan lacag dhan 25 milyan oo mushahar sanadkii ah halka ay sidoo kale 65 milyan siin doonaan wakiilka xiddiga.

United ayaa saxiixa xiddigan uga adkaatay kooxda ay jaarka yihiin ee Man City kuwaas oo ugu cad-cadaa saxiixa xiddigan ilaa xagaagii la soo dhaafay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply