Ku Soo Biiristii Lucas Moura Ee Kooxda Man United Oo Khatar Ku Jirta & Di Maria Oo Qaska Wada,

Kooxda Man United ayaa u waalanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda PSG ee Lucas Moura laakiin heshiis kasta oo uu ugu soo biiri karo Red Devils ayaa haatan khatar ku jira iyada oo uu sabba u yahay xiddigii hore ee Man United ee Angel Di Maria.

Xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda PSG kuna soo biiro kooxda Premier league ee Man United si uu boos joogto ah uga helo.

25 jirkan reer Brazil ayaan wali kulan horyaalka ah u ciyaariin PSG waxana ay haatan diyaar u yihiin in ay iska iibiyaan inta lagu jiro suuqa January.

Si kasta ha ahaatee xiddiga Angel Di Maria ayaa xiddiga ay isku kooxda yihiin uga digay in aanu u buurin kooxda Man United iyo gabi ahaantiiba Premier league.

Di Maria ayaa xaaska Moura u sheegay in aanay u adkaysan doonin qabowga ka jira dalka England una sheegay in u u dhaqaaqo horyaalada yurub ee kale.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply