Kooxda Schalke Oo Heegan Galisay Kooxaha Liverpool,Barcelona,Juventus & Kooxo Kale, Leon Goretzka Ayay War Ka Soo Saareen

Kooxda Schalke ayaa war cusub ka soo saartay wararka sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee Leon Goretzka uu dhamaadka xilli ciyaareedkan si xor ah ugu biiri doono kooxda Bayern Munich.

Wargaysyo badan oo ay ugu horeeyaan Marca Iyo German daily BILD ayaa sheegay in uu da,yarka Goretzka heshiis la gaaray kooxda Bayern Munich oo uu si xor ah ugu biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Agaasimaha kooxda Schalke ee Christian Heidel ayaa hoos u dhigay wararka sheegay in uu xiddigu heshiis la gaaray kooxda Bayern Munich.

Agaasimaha oo la hadlaya Sport1 ayaa yiri”wali nalamuu soo socodsiin in uu go,aansaday in uu kooxda ka tagayo, waan ku kalsoonahay Leon iyo wakiilkiisa kuwaas oo aan shalay la xiriiray”.

Xilli ay iska cadahay in uu Goretzka dhamaysan doono xiddiga ayaa xiiso ka helaya kooxaha Juventus, Barcelona, Liverpool Iyo Tottenham.

Heshiiska xiddigan khadka dhexe ku fiican ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Schalke.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply