Kooxda PSG Oo Dagsatay Qorshe Ay Kooxaha Chelsea Iyo Man United Ugu Garaacayso Xiddig Ay Aad U Doonayaan

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa in ay dhabarka ka toogaayso kooxaha Chelsea iyo Man United iyada oo u dhaqaaqaysa xiddig u ciyaara kooxda Juventus oo si weyn loola xiriirinayo kooxaha reer Premier league ee Chelsea iyo Man United.

Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso daafaca dambeedka midig ee kooxda Juventus Alex Sandro, laakiin heshiis kasta oo xiddiga ah ayaa dhici doona xagaaga.

Chelsea ayaa riixeysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahanka reer Brazil xagaagii hore, laakiin ugu dambeyntii waxa uu go’aansaday inuu sii joogo Bianconeri.

Si kastaba ha ahaatee, daafaca bidix ayaan weli saxiixin qandaraas cusub oo uu ku sii joogayo Turin taas oo la macno ah in uu xiddigan ciyaarayo sanadkiisii ugu dambeeyay ee kooxda Juventus.

Sida laga soo xigtay calciomercato.com, PSG ayaa dooneysa inay la saxiixato, inkastoo heshiis kasta la sugi doono ilaa xagaaga dambe.

Kadib markii ay Neymar kula soo wareegtay 222 milyan oo euro sidoo kale amaah ay ku iibsan doonto 180 milyan kula soo wareegtay Kylian Mbappé kooxda reer France ayaan waxba la soo wareegi karin bishan hadii ay doonayaan in ay buuxiyaan shardiga dhaqaale wanaaga.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay qorsheynayaan in ay isku dheelitiraan kooxdooda iyaga oo doonaya in ay iibiyaan xiddigaha Lucas Moura, Javier Pastore iyo Angel Di Maria, waxaana laga yaabaa inay u dhaqaaqaan Alex Sandro.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply