Kooxda Juventus Oo Doonaysa Daafaca Man United Ee Matteo Darmian & Wakhtiga Ay Heli Karto Oo la Ogaaday

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso Matteo Darmian, lakiin waxa ay u badan tahay in uuna ka tegi doonin Manchester United bishaan.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Talyaaniga ayaa ku dhibtooday inuu xilli ciyaareedka ku ciyaaro Old Trafford, isagoo keliya labo kulan oo Premier League ah kusoo bilowday.

Haatan Tuttosport ayaa soo warineysa in Bianconeri ay isha ku heyso xaaladiisa, madaama 28 jirkaan uu ku dhow yahay inuu ka tago Old Trafford xagaaga.

Darmian wuxuu ka ciyaari karaa labada dhinac difaaca, daafaca dhexe ama daafaca dhexe ee ka mid ah nidaamka 3-da daafac lagu ciyaaro.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u badan tahay in ayna Red Devils u ogolaan doonin in uu xiddigu kooxda ka tago suuqa January sidaa darteed waxa ay u badantahay in uu heshiisku dhoco xagaaga dambe.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply