Kooxda Inter Milan Oo Liverpool Ku Ciriirinaysa Xiddig Italy Ka Xamaasha

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Inter Milan ee Luciano Spalletti uu weerar suuqa ah ku qaadayo kooxdiisii hore ee Roma isaga oo ka doonaya xiddig muhiim ka ah kooxda ka dhisan caasimada Italy.

Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Roma ee Kevin Strootman.

Wararka ayaa sheegaya in uu Spalletti diyaar u yahay in uu Kevin Strootman gacanta ku soo dhigo si uu ugu xoojiyo kooxdiisa qaabka liidata ku jirta kulamadii ugu dambaysay.

Kevin Strootman ayaa ahaa xiddig uu Spalletti si weyn u taageero isaga oo joogto u ciyaarsiin jiray wakhtigii uu joogay kooxda Inter.

27 jirka reer Holland ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Juventus iyo Liverpool kuwaas oo doonaya in ay helaan adeegiisa bishan.

Kevin Strootman ayaa wakhtigii ugu dambeeyay ku dhibaatoonaya qaab ciyaareedkiisa oo hoos u dhacay xilli ciyaareedkan isaga oo aan ku faraxsanayn kooxda.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply