Kooxda Inter Milan Oo Khatar Ugu Jirta In Ay Waydo Laba Xiddig Oo Ay Ku Dhawdahay Adeegooda

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay is heshiiska Ramires isku af garan waayeen kooxah reer china ee kooxda Jiangsu Suning waxaana laga yaabaa inay seegaan saxiixa daafaca reer Holland ee Stefan de Vrij.

Sida laga soo xigtay wargeyska Gazzetta dello Sport, Ramires ayaa doonaya inuu ku laabto Europe, waxaana si aad ah u doonaya tababaraha kooxda Inter Luciano Spalletti.

Si kastaba ha ahaatee, wargeyska ayaa sheegaya in kooxda Suning Group oo ah kooxda wada leh inter Milan iyo kooxda reer Chine in ayna amaah ku  fasaxin xiddiga.

Si kasta ha ahaatee kooxda Inter Milan ayaa doonaysa in ay amaah ku hesho xiddiga xiddiga kadibna si toos ah ula wareegto iyada oo iscticmaalaysa lacagta ay ka heshay heshiiska Coutinho.

Dhinaca kale, Gazzetta ayaa ayaa sheegaysa in ay kooxda Inter Milan joojisay wadadahadaladii ay kula jirta xiddiga De Vrij inkasta oo heshiis 4 sano ah lagu heshiiyay.

Warkan ayaa imanaya maalin kadib markii lagu soo wariyay in ay kooxda Inter Milan hogaamineyso tartanka loogu jiro daafaca Lazio.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply