Kooxda Chelsea Oo Bar-Baro Ku Dhaafi Wayday 10 Xiddig Oo Leicester City

Kooxda Chelsea ayaa bar-baro ku dhaafi wayday kooxda Leicester city kulan ka dhacay garoonka Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier league.

Kulanka ayaa ku bilowday mid aan xamaasad weyn lahayn iyaga oo labada kooxoodba ku bilowdeen si caajis ah baas-baasna ku bilowday.

Kooxda chelsea ayaa daqiiqadii 3-aad ku dhawaatay in ay gooka 1-aad hesho iyaga oo uu u dhalin gaaray xiddiga daafaca uga ciyaara ee Marcos Alonso kadib kubad soo martay xiddigaha Kante iyo Moses.

Leicester city ayaa markeeda heshay fursad halis ah daqiiqadii 9-aad iyaga oo uu u dhalin gaaray xiddiga weerarka uga ciyaara ee Okazaki.

Kooxda martida ahayd ayaa mar kale daqiiqadii 10-aad heshay fursad kale iyaga oo uu gool u dhalin gaaray xiddiga weerarka uga ciyaara ee Jamie Vardy.

Leicster city oo si cajiib ah ciyaarta dhankooda ugu rogtay ayaa mar kale sigtay goolka Blues iyaga oo uu mar kale goolka chelsea khatar galiyay Jamie Vardy.

Dacawooyinka ayaa halkodii kasii waday waxana ay daqiiqadii 12-aad dhalin gaareen gool iyaga oo uu xiddiga khadka dhexe Ndidi uu isku dayay in uu gool dhaliyo laakiin goolhaya chelsea ee Courtois ayaa badbaadin cajiib ah sameeyay.

Blues oo weerarkoodu yaraa ayaa daqiiqadii 13-aad dhalin gaartay goolka 1-aad iyaga oo uu Fabregas isku dayay in uu goolka dhaliyo laakiin goolhaye Schmeichel ayaa diiday midaas.

Labada kooxood ayaa halkii kasii waday isku daydii ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan laakiin uuna midkoodna u suuro galin.

Waxa sidaas ku dhamatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay labada kooxood isku mari waayeen kuna heshiiyeen in ay nasashada ku tagaan bar-baro 0/0 ah.

Qaybtii dambe ayay kooxda Leicester city dar-dar ku bilaabatay iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolka ay doonayaan in ay uga yaabiyaan kooxda chelsea laakiin waxa u suuro gali wayday in ay wax gool ah dhaliyaan.

Kooxda Leiceter city ayaa kaarka cas loo taagay iyada oo laga saaray xiddiga daafaca uga ciyaara ee Chilwell taas oo xaalada ku xumaysay Leicester city.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaar ay kooxda chelsea garoonkeeda ku lumisay 2 dhibcood iyada oo bar-baro ku dhaafi wayday Leicester city oo 10 xiddig ku ciyaaraysa

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply