Kooxda Ac Milan Oo Iska Diiday Fursad Ay Ku Heli Karto Theo Walcott & Sababta Oo La Ogaaday

kooxda AC Milan ayaa lagu soo waramayaa inay diiday fursad ay kula soo saxiixaneyso xiddiga kooxda Arsenal ee Theo Walcott, iyadoo sheegtay in ayna la saxiixan doonin weeraryahan kale.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Walcott ayaa loo soo bandhigay Milan, taas oo diiday dalabkaas, inkastoo uu doonayo inuu tijaabiyo nasiibkiisa Serie A.

Wargayska Calciomercato ayaa sharaxaya in agaasimayaasha Marco Fassone iyo Massimiliano Mirabelli ayna wax niyad ah u hayn in ay xiddigo weerar ah ku soo daraan kooxda inta lagu guda jiro suuqa January.

Intaa waxaa dheer, Rossoneri ayaan dooneynin inay bixiso lacagta 140 kun ee Gini ee uu xiddigu todobaadkii mushahar ahaan uga qaato kooxda Arsenal.

Walcott ayaa si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda Arsenal si uu qaybta dambe ee xilli ciyaareedka u helo koox uu si joogto ah ugu ciyaari kana caawisa in uu boos ka banaysto koobka adduunka Russia 2018.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply