Khabiirka Sky Sport Guillem Balague Oo Ka Faah-Faahin Ka Bixiyay Dagaalka Laba Geeslaha Ah Ee U Dhexeeya United & City Kuna Aadan Alexis Sanchez

Khabiirka Sky Sport ee Guillem Balague ayaa ka warbixiyay xaalka xiddiga kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez kaas oo si weyn loola xiriirinayo in uu ka tagayo kooxda Arsenal.
Xiddiga reer chile ayuu heshiiskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu si cad u sheegay in uuna doonayn in uu heshiis cusub u saxiixo Gunners.
kooxda Man city ayaa si weyn loola xiriirinayaa xiddigan iyada oo ay jiraan warar sheegaya in uu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda hogaanka u haysa horyaalka Premier league.
Waxa sidoo kale goordhawayd soo baxay warar sheegaya in ay kooxda Man United ku soo biirtay baacsiga xiddigan iyada oo waliba xiriir la samaysay xiddiga.
Hadaba khabiirka Guillem Balague ayaa si faah-faahsan uga hadlay xaalada xiddiga oo haatan ah mid aan daganayn maadama uu doonayo in isaga tago Gunners.
Isaga oo arintaas ka hadlay ayuu yiri”Arinta Sanchez labada Manchester-ba way doonayaan xiddiga waxana ay miiska u saareen dalab, haatan Arsenal iyo xiddiga ayay khusaysaa arintu”.
“Man City ma doonayso in ay bixiso wax ka badan 20 milyan oo euro,waxa ay ku qanacsan yihiin in uu xiddigu doonayo in uu la shaqeeyo Guardiola, sidaa darteed waxa ay sugi karaan ilaa xagaaga”.
“Waa qorshe khatar ah hadii ay United miiska saarto dalab weyn oo xiddiga iyo kooxdaba u fiican waxa ay u waayi karaan Man United”ayuu sii raaciyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply