Khabiirka Sky Sport Ee Guillem Balague Oo Sheegay In Arsenal Wakhti Hore Dhamaystirtay Badalka Sanchez, Waliba Waa Xiddig Magac Weyn Leh

ARSENAL ayaa ogolaatay heshiis ay ku dooneyso ‘magac weyn’ si ay u bedesho Alexis Sanchez sida laga soo xigaanayo khabiirka sky Sport ee Guillem Balague.

Kooxaha Man United iyo Man City ayaa isku baacsanaya saxiixa xiddigan xilli ay haatan United u muuqato mid ku guulaysanaysa saxiixa xiddiga reer chile.

Arsene Wenger ayaa doonaya in la dhamaystiro heshiiska xiddigan ka hor inta uuna xirmin suuqa kala iibsiga laakiin uu doonayo kaliya lacag dhan 35 milyan oo euro.

Balague ayaa rumaysan in ay sababta uu Wenger sidaa u samaynayo ay tahay in uu wakhti hore helay badalkiisa isaga oo sugaya kaliya inta uu xiddigu baxayo.

Khabiirka reer Spain oo ka hadlaya Sky Sports Transfer Talk podcast ayaa yiri” Hadii uu Alexis Tago haatan waxa ay yihiin diyaar”.

“Waxa ay heleen xiddigii ay ku buuxin lahaayeen”.

“Wax wadahadalo ah lama galayaan isaga kaliya waxa ay sugayaan inta uu Alexis tagayo haatan ama xilli ciyaareedka dambe”.

“Waxa ay u diyaar garoobeen bixitaankiisa waxana ay sheegayaan in ay ku badalayaan xiddig magac weyn leh, maaha wiil da,yar”.

“Waynu eegi doonaa waxa dhaca”ayuu hadaliisa sii raaciyay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply