Kadib Markii UEFA Soo Saartay Shaxdii Ugu Fiicnayd Ee Sanadkii 2017, Wax Ka Ogow Shaxahii 5-tii Sano Ee Ugu Dambaysay Ugu Fiicnayd Yurub

Xiddigaha Kooxda Real Madrid ayaa Ugu badan shaxdii Xilli ciyaareedkii ugu fiicnaa ee 2017 ay soo xusheen akhristayaasha UEFA.com laga soo bilaabo November 22-keedii ilaa January 10-keedii.

Taageerayaasha kubada cagta ayaa u codaynayay shaxda ugu fiican iyaga oo ka soo xulanayay 50 xiddig oo kala ah 5 goolhaye,15 daafac,15 khadka dhexe iyo 15 weeraryahan.

Xiddigaha Sergio Ramos, Marcelo, Kroos, Modric and Cristiano Ronaldo ayaa laga soo doortay kooxda Real Madrid halka Lionel Messi kaliya laga soo doortay Barcolna.

Xiddigaha Premier league ayaa laga soo doortay De Bruyne (City) Iyo Hazard (Chelsea) halka Juventus laga soo doortay xiddigaha Buffon Iyo Chiellini Ugu dambayn Dani Alves ayaa laga soo doortay kooxda PSG.

Hadaba waxa aanu halkan ku soo bandhigaynaa shaxdii ugu fiicnayd ee 5-tii sano ee ugu dambaysay la soo doortay:

2016: Buffon; Boateng, Piqué, Ramos, Bonucci; Modri, Kroos, Iniesta; Messi, Griezmann, Ronaldo.

2015: Neuer; Alves, Piqué, Ramos, Alaba; Pogba, Iniesta, James; Messi, Neymar, Ronaldo.

2014: Neuer; Lahm, Godín, Ramos, Alaba; Kroos, Robben, Di María; Messi, Ibra, Ronaldo.

2013: Neuer; Lahm, Thiago Silva, Ramos, Alaba; Bale, Reus, Özil, Ribéry; Ibra, Ronaldo.

2012: Casillas; Ramos, Piqué, Thiago Silva, Lahm; Iniesta, Xavi, Pirlo, Özil; Messi, Ronaldo.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply