Kadib Markii Ay Barcelona Ku Aaday Copa Del Rey-ga Kooxda Espanyol, Wax Ka Ogow Taariikhda Labada Kooxood Ee Jaarka Ah Ee Tartanka

isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka copa Del Rey-ga ayaa la soo saaray waxana isku dhacay kooxaha isku magaalada ah ee Espanyol iyo Barcelona.

Sida caadada ah labada kooxood oo isku magaalo ah ayaa si weyn u ficiltama iyaga oo ay ka dhexayso xafiiltan kubadeed oo soo jireen ah.

Hadii aynu u soo noqono taariikhda Barcelona ayuuna kulankan ku noqon doonin mid adag maadama ay Espanyol wakhtigii ugu dambaysay Barcelona u noqotay wado si fudud loo maro mar kasta oo ay wada ciyaaraan tartamada kala duwan ee maxaliga ah gaar ahaan copa Del Rey-ga.

Barcelona ayaa 20 kulan la ciyaartay kooxda Espanyol tartanka copa Del Rey-ga waxana ay guul gaartay 12 kulan iyada oo ay 4 kulan bar-baro galeen 4 kulan oo kalena Espanyol Badisay.

Guuldaradii ugu dambaysay ee Barcelona ka soo gaartay kooxda Espanyol tartanka copa Del Rey-ga ayaa ahayd sanadkii 1970 iyada oo markii ugu dambaysay ee ay Barcelona koobka lugta Espanyol uga harta ay ahayd sanadkii 1961.

Kooxda Barcelona ayaa guul gaartay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Espanyol la ciyaartay koobka copa Del Rey-ga.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply