Kadib Lewandowski, Gotze Iyo Hummels, Bayern Munich Oo Dortmund Ka Doonaysa Xiddig Muhiim U Ah

Kooxda Bayern Munich ayaa jecel in ay kooxda Dortmund ka soo qaadato xiddigeheeda ugu fiican sidii ay horay ugala soo wareegtay xiddigaha Lewandowski, Gotze Iyo Hummels kuwaas oo Dortmund ka ahaa laf dhabarta ay ku tiirsantahay.

Kooxda Bayern Munich ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay mar kale weerar ku qaadi doonto kooxda Dortmund iyada oo ka doonaysa xiddig ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee kooxdeeda.

Wargayska Sport Bild ayaa sheegaya in kooxda Bavarians ay xiiso u qabaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee reer America ee Christian Pulisic.

Bayern ayaa Christian Pulisic u aragta badalka munaasibka ah ee xiddigaha Franck Ribery Iyo Arjen Robben oo sii weynaanaya da,na noqday.

Taas ayaa la macno ah in ay Bayern Munich markii hore ka afduubtay kooxda Dortmund xiddigaha Lewandowski, Gotze iyo Hummels ay haatan dareenkeeda u jeedisay Pulisic.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply