Juventus Oo Heshiiska Xorta Ah Ugu Dhaqaaqi Doonta Mesut Ozil Hadii Ay United La Wareegi Waydo Suuqa January & Shaqsi Ka Caawin Kara In Uu Juventus Ku Biiro

Kooxda Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay lasoo saxiixato Mesut Ozil hadii Manchester United ay ku guuldareysato saxiixa khadka dhexe ee Arsenal bishaan.

Sida laga soo xigtay wargeyska Corriere dello Sport, waxaa jira haatan xaaladaha dhaqaale oo ugu wanaagsan waxana laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo Mesut Ozil oo xiddig xor dhamaadka xilli ciyareedkan.

Wargeyska ayaa filaya in uu 29 jirkan dhamaysto heshiiskiisa kooxda Arsenal waxana uu sidoo kale aaminsan yahay in ay kooxda  Bianconeri ay raadineysay xiddiga reer Germany seddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay.

Si kasta ha ahaatee kooxda Man United ayaa la filayaa in ay 40 milyan oo euro ka gudbiso saxiixa xiddigan oo horay Mourinho ugala soo shaqeeyay kooxda Real Madrid intii u dhexaysay 2010 ilaa 2013.

Si kastaba ha ahaatee, Il Corriere ayaa aaminsan in No 11 uu diirada saarayo khibrad cusub ka dib markii uu ka ciyaarayay Bundesliga, La Liga iyo Premier League, isagoo sidoo kale sheegay inuu saaxiibtinimo la leeyahay saaxiibkiisii ​​hore Sami Khedira kaas oo ka caawin kara in uu u soo jiido kooxda Juventus.

Ozil ayaa ku biiray Arsenal afar sano iyo bar ka hor, waxaana uu ku guuleystay seddex FA Cup iyo labo Community Shields intii uu joogay Emirates Stadium.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply