Jurgen Klopp Oo Arkooday Xiddig Horay Ugu Soo Ciyaaray Reds, Badalka Coutinho Ayuu U Arkaa

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayaan in ay u dhaqaaqdo xiddig horay ugu soo ciyaaray kooxdeeda si ay badal uga dhigto Philippe Coutinho oo todobaadkii hore ku biiray kooxda Barcelona.

Philippe Coutinho ayaa isniintii hore si Rasmi ah xiddig Barcelona ah u noqday isaga oo dhamaystiray heshiis 145 milyan euro ah isaga oo noqday xiddiga 2-aad ee uug qaalisan suuqa kala iibsiga.

Wargayska As ayaa ku soo waramaya in ay kooxda Liverpool u dhaqaaqayso xiddiga khadka dhexe ee Suso una ciyaara kooxda Ac Milan.

Kooxda Liverpool ayaa Suso u aragta badalka ugu munaasibsan ee buuxin kara booska uu baneeyay xiddiga reer Brazil ee Philippe coutinho.

Liverpool ayaa diyaar la ah lacag dhan 45 milyan oo euro oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga uu kula jiro kooxda Ac Milan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Suso la joogo kooxda Ac Milan ilaa tan ilaa sanadkii 2016 wakhtigaas oo uu kaga biiray kooxda Liverpool.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply