Jack Wilshere Oo Sariirtiisa Ku Laabanaya ,. Dhaawac Canqawga Ah Ayaa Ku Gaaray Kulankii Chelsea , Imisa Todobaad Ayuu Maqnaanayaa ?.

Jack Wilshere ayaa ku dhaawacmay kulankii ay kooxdiisa la soo ciyaareen Chelsea ee lugta 1-aad ee wareegga semi finalka League Cup-ka xilligaas oo labada koox ku kala baxeen bar bar dhac bilaa goolal ah.

Wargeyska Express ayaa sheegaya in Wilshere uu ka sheegtay jug culus intii lagu jiray kulankaas Chelsea iyo Arsenal.

Daqiqaddii 57-aad ayuu ku qasbanaaday in uu ka baxo garoonka iyadoo la xusay in uu ka sheeganayay canqawga waxaana lagu badalay Maxamed Alnini.

Waxa xusid mudan in Wilshere uu ku soo biloowday 6-dii kullan ee ugu dambeeyay ee ay Arsenal ciyaartay ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac muddo ka fogeeyay garoomada oo canqawga ahaa.

Warar hor dhac ah ayaa sheegya in laacibkaas uu dhawacaas la maqnaanayo sedex todobaad inkastoo Arsenal la filayo in xaaladiisa war ka soo saaraan ka dib marka lagu sameeyo baaritaan buuxa

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply