Inter Milan Oo Wali Sii Wada Luminta Dhibcaha, Fiorentina Ayay Bar-Baro Kala Kulantay

Kulan ka tirsanaa todobaadkii 20-aad ee horyaalka Italy kooxda Inter Milan ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Fiorentina kulan ka dhacay Artemio Franchi.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayayna labada kooxood wax gool ah iska dhalin inkasta oo ay Kooxda Inter Milan maamulaysay ciyaarta gabi ahaanteedaba.

سيميوني يقتل احلام النيراتزوري ويهدي الفيولا نقطة ثمينة

Qaybtii dambe ayay kooxda Inter Milan goolka 1-aad heshay daqiiqadii 55-aad iyaga oo uu gool u dhaliyay xiddiga reer Argentine ee Mauro Icardi isaga oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Mauro Icardi Ayaa dhaliyay goolkiisii 100-aad ee noloshiisa ciyaareed ee horyaalka Italy waxana ay labada kooxood halkoodii kasii badeen ciyaarta.

Xilli ay ciyaartu u muuqatay mid guushu raacayso ayay daqiiqadii 90-aad ciyaarta wax ka badashay kooxda Fiorentina iyaga oo dhaliyay goolka bar-baraha oo uu u dhaliyay xiddiga Giovanni Simeone isaga oo ciyaarta ka dhigay bar-baro 1/1.

Ciyaarta ayaa ku dhamaatay bar-baro 1/1 ay taas oo keentay in ay kooxda Inter Milan mar kale dhibco lumisay iyada oo ay xaaladu ku sii xumaanayso kooxda Inte Milan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply