Inter Milan Oo Wadahadalo Kula Jirta Kooxda Barcelona & Gerard Deulofeu Oo Ay Ka Doonayso Laakiin Laba Kooxood Ayaa Ku Ciriirinaya

Inter ayaa xaqiijisay inay raadineyso Gerard Deulofeu, waxaana lagu soo waramayaa inay wadahadal la galayaan Barcelona si ay amaah ugu qaataan.

Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay lixdii bilood ee uu joogay San Siro una ciyaarayay kooxda Ac Milan laakiin wuxuu ku dhibtooday inuu ciyaaro waqti tan iyo markii uu ku soo laabtay Camp Nou.

Iyadoo Philippe Coutinho uu kusoo biiray Barcelona, Deulofeu ayaa la rajeynayaa inuu u dhaqaaqo, islamarkaana uu ku laabto Serie A.

Inkastoo Napoli iyo Roma ay sidoo kale xiiseynayaan, Inter ayaa u muuqata inay hogaamineyso tartanka, La Gazzetta dello Sport ayaana sheeganeysa inay wadahadalo kula jiraan Barcelona si ay amaah ugu qaataan.

Blaugrana ayaa doorbidaysa in ay xiddiga ku iibiso ku dhawaad lacag dhan 20 milyan oo euro ama kooxda amaahda ku doonaysa iibsato dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin haatan Inter Milan ayaan iibsan karin maadama ay iska ilaalinayso in ay jabiso xeerka dhaqaale wanaaga.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply