Inter Milan Oo si Lama Filaan Ah Ugu Dhaqaaqaysa Daafac U Ciyaara Ac Milan

Kooxda Inter Milan ayaa si lama filaan ah loola xiriirinayaa daafaca kooxda Ac Milan ee Gabriel Paletta sida ay sheegayaan wararku.

Sida laga soo xigtay Quotidiano Sportivo, Paletta ayaa ka mid ah daafacyada dhexe ee Inter ay dooneyso inay daafaceeda ku xoojiyaan.

Xiddiga reer Italy ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Argentine ayaan wax kulan ah u safan Ac Milan xilli ciyaareedkan isaga oo ka dambeeya xiddigaha  Alessio Romagnoli, Mateo Musacchio Iyo Leonardo Bonucci.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Inter Milan sidoo kale isha ku hayso xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Daley Blind kaas oo kaliya 5 kulan oo premier league ah ciyaaray.

Inter Milan ayaa Paletta xiiso u muujisay kadib ay kooxda Zenit St Petersburg Inter ka diiday in ay ka iibiso Domenico Criscito bisha January inkastoo qandaraaskiisu uu dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply