Inter Milan Oo Laga Soo Diiday Dalab Ay Ka Gudbisay Xiddig U Ciyaara Kooxda Zenit

Kooxda Inter Milan ayaa laga soo diiday dalab Rasmi ah oo ay ula tagtay kooxda reer Russia ee Zenit oo ay ku doonaysay xiddiga garabka weerarka ka ciyaara ee Domenico Criscito oo ay doonaysay in ay ku xoojiyo kooxdeeda inta lagu guda jiro suuqa January.

Wargayska Sportmediaset ayaa sheegay in ayna kooxda Zenit doonayn in ay iibiso xiddiga maadama uu ka mid yahay xiddiga ugu fiican kooxda.

Tababare Roberto Mancini oo ah tababarihii hore ee kooxda Inter Milan ayaa diidan in uu xiddigan sii daayo qaybta dhexe ee xilli ciyaareedka.

Domenico Criscito ayaa horay ugu soo ciyaaray kooxda Genoa ka hor inta uuna ku laaban Russia halkaas oo uu ka mid yahay xiddig muhiim ah.

Si kasta ha ahaatee heshiiska xiddiga 31 jirka ah ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana uu heshiis hordhac ah la gali karaa kooxaha ka baxsan Russia si uu xor ugu biiro dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Inter Milan ayaa ku jirta xaalad xun oo dhaqaale xumo iyo waliba qaab ciyaareed xumo maadama ayna guul gaarin 5-tii kualn ee ugu dambaysay tartamada oo dhan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply