Inter Milan Oo Ku Sii Dhawaanaysa Xiddig Aan Laga Rabin Man United

Waxaa hubaal ah muhiimada ugu weyn ee Inter Milan iyo macalinka Luciano Spalletti ee bisha January in ay tahay in ay la soo saxiixdaan xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Gerard Deulofeu.

Laakiin waxay u muuqataa inaysan ku qanacsanayn in ay kaliya xoojiyaan weerarka Sida laga soo xigtay La Repubblica, Nerazzurri ayaa qarka u saaran inay ay hesho saxiixa daafaca Manchester United Daley Blind.

Iyadoo dhaawac uu ku maqan yahay Joao Miranda sidoo kale Milan Skriniar lala xiriirinayo in uu ka tagayo San Siro Spalletti ayaa ku rajo weyn in uu xoojiyo daafaca dhexe ee kooxdiisa xilli indha indheeyayaashoodu aaminsan yihiin in xiddiga reer Holland yahay xiddiga ugu haboon ee booskaas buuxin kara.

Blind waxaa soo iibsaday Louis Van Gaal ka dib qaab ciyaareedkiisii ​​ciyaareed ee Koobka Adduunka 2014ka.Si kastaba ha ahaatee, ka dib markii Jose Mourinho xiddiga reer Holland ayaan ka mid ahayn qorshihiisa joogtaha ah waxana haatan loo ciyaariiyaa badal.

Haddii dalabka sax ah laga soo gudbiyo Kooxda Man United ayaa hubaal u ogolaanaysa in uu isaga tago kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply