Inter Milan Oo Ku Rajo Weyn In Ay Maanta Dhamaystirto Laba Saxiix & Xiddigaha Ay Doonayso

Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay ku rajo weyn tahay in ay maanta samayso laba saxiix ka hor inta uuna suuqu xirmin sida laga soo xiganayo wargayska reer Italy ee Gazzetta dello Sport.

Inter Milan ayaa doonaysa in ay maanta ka faa,iidaysato oo ay ugu yaraan laba xiddig keento kooxdeeda si ay ugu tartanto boosaska loogu soo baxayo champions league xilli ciyaareedka dambe.

Xiddigaha ay Kooxda Inter Milan ku rajo weyn tahay ayaa kala ah weeraryahanka kooxda Racing Club de Avallaneda ee Lautaro Martinez.

Waxa ay sidoo kale doonayaan xiddig khadka dhexe ah iyaga oo midkood keeni doona xiddiga kooxda PSG ee Javier Pastore ama xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Nicolas Gaitan.

Inter Milan ayaa doonaysa in ay heshiisyadaas ku dhamaystirto amaah inta ka dhiman xilli ciyaareedka ah iyad aoo dookh u haysata in ay si toos ah ula wareegto xagaaga dambe.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply