Inter Milan Oo Heshiis Isku Badalasho Ah U Soo Bandhigaysa Kooxda Atletico Madrid, Ayay Ka Doonayaan

Kooxaha Inter Milan iyo Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay samayn doonaan heshiis isku badalasho ah sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Inter Milan ayaa rabitaan u muujisay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid ee Nicolás Gaitán iyaga oo doonaya inta lagu guda jiro suuqa January.

Kooxda reer Italy ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fikirayso in ay heshiis isku badalasho ah la samaysay kooxda reer Spain si ay u hesho xiddiga reer Argentine.

Inter Milan ayaa diyaar ula ah Atletico xiddiga khadka dhexe ee Joao Mario kaas oo aan boos joogto ah ka haysan kooxda Inter Milan.

Laakiin maamulka sare ee Inter Milan ayaa ka cabsi qaba in uu tababare Diego Semeone diido in uu xiddiga fasaxo inta lagu jiro suuqa Janaury.

Kooxda ayaa diyaarsatay xiddig khadka dhexe ee kooxda Sevilla ee Vázquez in ay badalkiisa u dhaqaaqdo hadii ay saxiixa xiddiga Atletico Madrid ku fashilanto.

Kooxda.com ayaa xusaysa in uu Nicolás Gaitán ka maqnaa shaxda kooxda Atletico Madrid kulamadii ugu dambeeyay ee ay kooxdu ciyaartay.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply