Isku Aadka Horyaalka Xulalka Ee UEFA Nations League Oo Maanta La Samayn Doono & Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay

Isku aadka wareega group-yada ee UEFA Nations League ayaa dhici doona maanta iyada oo Spain ku aadi karto qaar ka mid ah xulalka ugu tunka weyn qaarada yurub oo kala ah France, Italy Iyo England.
La Roja ayaa 3-da xul ee ay sida weyn xafiiltamaan ku arki doonta League A halkaas oo ay ku jiraan 12-ka xul ee ugu fiican yurub iyaga oo waliba iyagu wada ciyaari doona.
Spain oo Germany, Portugal Iyo Belgium la wadaagta Pot 1 ayaa la ciyaari karta xulalka France, England, Switzerland and Italy oo ku jira Pot 2 ama Poland, Iceland, Croatia and Holland oo ku jira Pot 3.
Kooxda Badisa Group Walba ayaa u gudbi doonta wareega xiga ee UEFA Nations League.
Waxa intaas sii dheer 4 kooxood ee ku dhamaysta booska uu dambeeya ayaa dhaa-dhici doona halka ayna 4 kooxood ee ugu qiimaha is reeb-reeb u gali doonaan ka qayb galka tartanka UEFA Euro 2020.

League A

League B

League C

League D

Wakhtiga La Ciyaari Doono kulamada UEFA Nations League:
Kulanka 1: September 6-8 ,2018
Kulanka 2: September 9-11, 2018
Kulanka 3: October 11-13, 2018
Kulanka 4: October 14-16, 2018
Kulanka 5: November 15-17, 2018
Kulanka 6: November 18-20, 2018
Isku aadka ugu dambeeya ayaa la qaban doonaa bisha December 2018 iyada oo kulamada ugu dambeeya la ciyaari doono inta u dhexaysa 5 bisha June iyo 6 bisha June 2019.
Kulamada kala baxa Euro 2020 ayaa la ciyaari doonaa 22 bisha November 2019 iyada oo kulamada la ciyaari doono March 26 Iyo March 31, 2020.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply