Hordhac: Real Madrid Vs Villarreal: Los Blancos Oo Guul U Baahan Si Ay Uga Baxdo Masiibada Natiijo Xumada Ee Ay Ku Jirto

Kooxda Real Madrid ayaa 16 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaanka u haysa horyaalka La Liga ee Barcelona kadib markii ay bar-baro la galeen kooxda Celta Vigo.

Kooxda difaacanaysa horyaalka ayaa haatan si Rasmi ah uga hartay tartanka loogu jiro horyaalka La Liga laakiin waxa ay u baahan yihiin in ay dhibco badan helaan si ay ugu soo baxaan champions league.

Kooxda Zidane ayaa haatan kaalinta 4-aad ku jira laakiin guuldaro ka soo gaarta kooxda Villarreal ayaa khatar galinaysa booskooda 4-aad maadama ay kooxda Villarreal kaliya 4 dhibcood ka dambayso kooxda Real Madrid.

Si kasta ha ahatee kooxda martida ah ee Villarreal ayaa kulanka soo galaysa kadib markii ay bar-baro niyad jab leh la galeen kooxda Deportivo La Coruna Axadii hore.

Kulanka: Real Madrid Vs Villarreal

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 06:15Pm

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Villarreal ayaan wax guul ah ka gaarin garoonka Estadio Santiago Bernabeu 17 kulan oo ay booqatay 12 kulan Real ayaa badisay 5 kale bar-baro ayay galeen.

Los Blancos ayaa guul cajiib ah oo soo laabasho leh gaartay qaybtii dambe markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood garoonkan ku wada ciyaareedn dhamaadkii bishii February 2017.

Bale,Ronaldo iyo Marata ayaa ka caawiyay Real Madrid in ay ka soo laabtaan laba gool oo looga hor maray iyaga oo ku badiyay 3/2.

Markii ugu dambaysay ee ay kooxda Villarreal dhibic kala soo baxdo garoonka Real Madrid ayaa ahayd kulan 1/1 ku dhamaaday oo ay wada ciyaareen September 2016.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply