Hordhac: Real Madrid vs Numancia: Los Blancos Oo Doonaysa In Ay Ku Soo Laabato Wadada Saxda Ah

Kooxda Real Madrid ayaa wali sii wada luminta dhibcaha kadib markii ay bar-baro ay guuldaro ka badbaaday la gashay kooxda Celta Vigo.

Warka fiican ayaa ah in ay kooxda Real Madrid haatan hal lug la gashay wareega xiga maadama ay 3/0 uga soo badisay kooxda Numancia lugtii hore.

Tababare Zidane ayaa la filayaa in uu shax isku dhaf ah oo kayd u badan ku soo galo kulankan si ay guul u gaarto kooxdu ugana baxdo xaalada Adag ee ay ku jirto.

Kulanka: Real Madrid vs Numancia

Tartanka: Copa del Rey

Wakhtiga: 11:30 Habeenimo

Garoonka: Estadio Santiago Bernabeu

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ka Hor kulankii todobaadkii hore kulankii ugu dambeeyay ee ay labada kooxood wada ciyaaraan ayaa ahayd sanadkii 2008/2009 markaas oo ay Real Madrid gaartay laba guulood waliba dhalisay 6 gool.

Los Blancos ayaa guulo badan kulamada ya iska hor yimaadeen kooxda Numancia iyaga oo badiyay 9-kii kulan ee ay wada ciyaareen.

Kooxda Real Madrid ayaa kulankii lugtii hore ku badisay 3/0 iyaga oo goolasha ay dhaliyeen xiddigaha Gareth Bale,Isco iyo Borja Mayoral

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply