Hordhac: Man United Vs Derby County: Red Devils Oo Iska ilaalin Doonta Lama Filaan Kale

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku soo dhawayn doonta kooxda Derby County Kulan ka tirsan tartanka FA Cup-ka.

United ayaa kulanka soo galaysa iyada oo dib u heshay kalsoonidii kadib markii ay guul qiimo leh ka gaarto kooxda Everton horyaalka Premier league.

Laakiin Jose Mourinho ayaa si weyn isaga ilaalin doona in ay ku dhacdo sidii League cup-ka oo kale markaas oo ay guuldaro lama filaan ah kala kulmeen koox horyaalka hoose ah.

Kulanka: Man United Vs Derby County

Tartanka: FA Cup.

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tani waxay noqon doontaa markii 10aad ee labada kooxood FA Cup-ka wada kulmaan tan iyo January 2016 -ka iyadoo Manchester United ay ku badisay 3-1 garoonka iPro Stadium wareegii afaraad.

Red Devils ayaa badisay mid kasta oo ka mid ah todobadii kulan ee ugu dambeysay ee ay FA Cup wajahday Derby, oo ay ku jirto labo guul oo semi-finalka ah 1948 iyo 1976.

Markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulantay kooxda Bristol City wareegii 8 dhamaadka Carabao cup-ka xilli ciyaareedkan kooxda Man United ayaan guuldaro kala kulmain laba kooxood oo ka baxsan heerka 1-aad tan iyo 1983/1984 markaas oo ay laba guuldaro kala kulmeen Oxford United iyo Bournemouth.

Manchester United ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 35-kii kulan ee FA Cup ay kooxaha horayaalka hoose kula ciyaareen Old Trafford waxana ka badisay kooxda Lees United Janaury 2010.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply