Hordhac: Liverpool Vs Man City: Man City Oo Aan 15 Sano Guul Ku Dha-Dhamin Anfield, Masoo Af Jari Doonaan Rikoorkaas

Wakhtiga ay soo booqanayso Anfield ayaa ah wakhtiga ugu fiican ee kooxda Pep Guardiola maadama ay Liverpool dhawaan wayday xiddigeedii ugu muhiimsanaa ee Philippe Coutinho kaas oo ugu dambayn ku biiray kooxda Barcelona.

Si kasta ha ahaatee Jurgen Klopp ayaa dib u heli doona xiddigiisa ahna gool dhaliyihiisa reer Egypt ee Mohamed salah kaas oo taam u ah kulanka kadib markii uu seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Tababare Pep Guardiola ayaan isagu dhaawacyo badan laftiisu qabin marka laga reebo xiddiga reer Brazil ee Gabreil Jesus iyo kabtankiisa Vincent Kompany.

Kulanka: Liverpool Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 07:00 Fiidnimo

Garoonka: Anfield

XAQIIIQOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan guuldaro la kulmin 14-kii kulan ee ugu dambeeyay premier league ee ay Man city kula ciyaartay garoonkeeda Anfield 10 kulan way badisya 4 kale bar-baro ayay la gashay.

Liverpool ayaa guul gaartay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay kooxda Man city ku soo dhawaysay garoonkeeda Anfield.

Man city ayaa 5/0 uga badisay Liverpool kulankii lugtii hore ee dhacay September laakiin laba kulan oo horyaalka ah kamay Badin Liverpool muddo ka badan 80 sano.

Liverpool ayaa laga dhaliyay kaliya 4 gool 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee premier league ee ay ku ciyaartay Anfield iyaga oo 9 kulan goolooda ilaashaday.

Sergio Aguero ayaa goolasha ugu badan premier league ka dhaliyay kooxda Liverpool marka loo eego kooxaha kale laakiin wali gool kumuu dhalin garoonka Anfield.

Kooxda Man City ayaan Anfield guul ku gaarin muddo 15 sano ah iyaga oo guushii ugu dambeeyay ku gaaray sanadkii 2003.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply