Hordhac: Chelsea Vs Arsenal: Kooxaha Reer London Oo Markii 2-aad Kulmaya Todobaad Gudihii

Kooxda chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhawayn doonta kooxda Arsenal kulan ka tirsan semi-finalka League cup-ka.

Labada kooxood ayaa markii 2-aad wada ciyaarayaya todobaad gudihii maadama ay 3 bishan bar-baro 3/3 ah ku galeen garoonka Emirates.

Kooxda Arsenal ayaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa guul kadib kadib markii ay hal kulan oo kaliya badisay 5-tii kulan ee ugu dambaysay tartamada oo dhan.

Chelsea ayaa iyadu kulanka soo galaysa iyada wax yar ka fiican Arsenal kadib markii ay labadii kulan ee ugu dambeeyay bar-baro gashay

Kulanka: Chelsea Vs Arsenal

Tartanka: League Cup

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Stamford Bridge

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Chelsea ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay ku wajahday Arsenal League cup-ka, oo ay ku jirto semi-finalkii 1997/1998.

Marka kaliya ee ay Arsenal u gudubtay wareega xiga iyada oo la ciyaaraysa kooxda chelsea tartankan ayaa yihimid 1976-77.

Gunners ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Stamford Bridge tartamada oo dhan waxana uu kulankaas ahaa mid ay Arsenal ku badisay 5/3 oo ahaa Premier league.

Blues ayaa wareega xiga u gudubtay 4 ka mid ah 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee Semi-finalka tartanka waxana ay kala ahaayeen sanadihii (2005, 2007, 2008 Iyo 2015).

Kulankan ayaa ah midkii 15-aad ee ay Gunners soo gaarto semi-finalka tartanka kaliya Liverpool ayaa ka badan iyada oo gaartay 17 kulan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply