Hordhac: Barcelona vs Celta Vigo: Bluagrana Oo Doonaysa In Ay Difaacato Koobka

Kooxda Barcelona ayaa ugu danbeyntii heshiis la gaartay Liverpool si ay ula soo saxiixato xiddiga reer Brazil Philippe Coutinho.

Tani waa wararkii ugu muhiimsanaa ee maalmahan ee Catalonia waxana uu warkaasi jawiga u badalay mid kiciyay kana dhigay mid aad u xamaasadaysan.

Bluagrana ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo ku jirta qaab fiican iyo waliba niyad san kadib markii ay arkeen kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan Real Madrid oo mar kale kuftay taas oo keentay in farqiga dhibcaha ee u dhexeeya labada kooxood ee sida weyn u xafiilatama uu noqdon 16 dhibcoo.

Celta Vigo ayaa ka badin wayday Barcelona lugtii hore inkasta oo ay Barcelona ku soo gashay shax kayd ah waxana ay la soo galeen bar-baro.

Kulanka: Barcelona vs Celta Vigo

Tartanka: Copa del Rey

Wakhtiga: 11:30 Habeenimo

Garoonka: Camp Nou

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Celta Vigo ayaa barbaro 2-2 ah la gashay Barcelona kulankoodii ugu danbeeyay ee Camp Nou.

Barcelona ayaa badisay 12 kulan waxaana laga badiyay kaliya hal kulan 20 kulan oo AY LA CIYAARTAY KOOXDA Celta kana dhacay garoonka Camp Nou.

Shaxda Macquulka Ah:

Barcelona (4-3-3):Cillessen; Semedo, Mascherano, Vermaelen, Digne; Roberto, Busquets, Gomes; Vidal, Dembélé, Denis

Celta Vigo (4-3-3):Blanco; Mallo, Cabral, Gómez, Jonny; Radoja, Pablo, Jozabed; Mor, Guidetti, Hjulsager

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply