Heshiiska Uu Emre Can U Saxiixi Doono Kooxda Juventus Oo La Ogaaday

Sky Sport Italia ayaa shaaca ka qaaday heshiiska uu xiddiga reer Germany ee Emre Can ogolaaday in uu u saxiixo kooxda Juventus marka uu dhamaado heshiiskiisa haatan ee uu kula joogo kooxda Liverpoo.

Emre Can ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiis hordhac ah la gaaray kooxda Juventus isaga oo dhamaadka xilli ciyaareedkan ku biiri doona.

Sky Sport Italia ayaa sheegtay in Emre Can uu ogolaaday heshiis afar sanno ah oo uu kula joogayo kooxda Juventus marka uu dhamaado qandaraaskiisa Liverpool.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa noqon doona xiddig xor ah 30ka June, waxaana uu awood u leeyahay inuu la saxiixdo kooxd uu doonayo.

Juventus ayaan qarin in ay xiisanayaan xiddiga waxana ay Liverpool diiday in ay xiddiga fasaxdo inta lagu jiro suuqa January sidaa darteed waxa ay si xor ah ku waayi doontaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Sky Sport Italia ciyaaryahanka reer Germany ayaa ogolaaday heshiis afar sano ah iyo waliba hal sano oo dookh ah.

Xiddiga ayaa kooxda mushahar ahaan uga qaadanaya 5 milyan oo euro sanadkii waxana ay saxiixiisa dhamaystiri doontaa sida ugu dhakhsaha badan si ay uga fogaato in ay kooxo kale tartanka kula soo biiraan.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply