Harry Kane Oo Rikoor Kale Jabiyay Kadib Labadii Gool Ee Uu Ka Dhaliyay Everton

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane ayaa wali sii wada rikoodhadii uu jabinayay isaga oo jabiyay rikoor kale kadib labadii gool ee uu ka dhaliyay kooxda Everton.

Harry Kane ayaa jabiyay rikoorkii u yaalay xiddiga Teddy Sheringham oo ahaa xiddiga ugu goolasha badan taariikhda Tottenham ee horyaalka Premier league.

Labadii gool ee uu Harry Kane dhaliyay ayaa ka caawiyay in uu gaaro goolkiisii 98-aad ee horyaalka Premier league isaga oo saftay 135 kulan.

Sheringham oo uu Harry Kane qirtay in uu taageeri jiray wakhtigii uu yaraa ayaa dhaliyay 97 gool 236 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Tottenham.

Kane ayaa haatan u jira kaliya 2 gool in uu noqdo xiddigii ugu horeeyay ee 100 gool oo premier league ah u dhaliya kooxda Tottenham.

Xiddiga ayaa horay u noqday xiddigii 3-aad ee ugu yaraan 20 gool dhaliya 4 xilli ciyaareed oo xiriir ah isaga oo la bar-bareeyay Thierry Henry Iyo Alan Shearer.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply