Halkee Ayuu Alexis Sanchez Ka Gali Karaa Shaxda Man United Xilli Uu Ku Dhawyahay In Uu Ku Biiro Man United

Kooxda Man United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez.

Xiddiga reer chile ayaa ku jira bilihiisii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Arsenal waxana la filayaa in uu u dhaqaaqo Old Trafford kadib markii ay man city ka baxday tartankkiisa.

Hadii uu xiddigu dhamaystiro heshiiskiisa waxa ay u badan tahay in uu xirto maaliyada No.7 oo haatan ah mid banaaan laakiin halkee ayuu uga ciyaari karaa Kooxda Jose Mourinho?.

Sanchez ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday in uu u dhaqaaqo city sababo la xiriira is badalka uu shaxdiisa ku sameeyo laakiin waxa uu kooxda Mourinho uga ciyaari karaa 4 boos ee weerarka.

Si kasta ha ahaatee waxa ay u badantahay in uu ka ciyaaro labada garab oo uu aad u xiiseeyo halka xiddigaha Anthony Martial Iyo Marcus Rashford ay ku dagaalami doonaan booska kale ee garabka iyada oo uu Romelu Lukaku ka ciyaari doono weerarka tooska ah.

Inkasta oo uuna si joogto ah u ciyaarin xilli ciyaareedkan hadana Sanchez ayaa cel-celis ahaan la goolal ah isaga oo dhaliyay 7 gool sidoo kale caawiye ka noqday.

Xiddigan ayaa sidoo kale ka ciyaari kara booska No.10 isaga oo booskaas horay uga soo ciyaaray wakhtigiisii Udinese taas oo mustaqbalka Zlatan Ibrahimovic su,aal ka keeni doonta.

Sidoo kale Sanchez ayaa awood u leh in uu weerarka tooska ah kala ciyaaro xiddiga haatan kooxda weerarka uga ciyaaraee Lukaku.

Hadaba waxa aanu halkan ku soo gudbin doonaa 3 shaxood oo uu Jose Mourinho ka ciyaarsiin karo:

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply