Hal Arin Oo Real Madrid Ka Caawin Karta Saxiixa Icardi , Xilli Dhankiisana Uu Ogalaanayo.

Wargeyska La Gazetta Del Sport ayaa sheegeysa in weerrayahanka Inter Milan ee Icardi uusan diidaneen in uu u wareego kooxda Real Madrid

Real ayaa si dhab ah u baadi goobeysa laacibkaas waxa ayna doonayaan in ay ku badalaan Benzema kaasi oo heer ciyaareedkiisa uu u hoos u dhacay

Warka waxa uu intaas ku daraya in Icardi uu haatan kaliya sugayo in uu kala ogaado in Inter Milan ay xilli ciyaareedkaan u soo baxeyso Champion-ka iyo in inkale oo haddii aysan dhicin waxa lala leeyahay waxa uu diyaar u yahay in uu baxo

Inter Milan ayaa haatan ku jirta booska 3-aad ee kala sareynta horyaalka Italy halka Icardi yayay gool dhaliyaha labaad ee horyaalka ee xilli ciyaareedkaan waxa uuuna leeyahay 18 gool.

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply