Guardiola Oo Isku Diyaarinaya In Uu U Dhaqaaqo Xiddig 45 Milyan Lagu Qiimeeyo Laakiin Murinho Ayaa Ku Garbinaya

Kooxda Man city ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbinayso xiddig ay ka dhigayso saxiixeedii ugu horeeyay ee Januarysida ay sheegayaan wararku.
Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay 45 milyan oo milyan ku dalbato ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donetsk Fred.
Pep Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu 24-jirkaani u arko inuu yahay bedelka mustaqbalka fog ee Fernandinho, sida ay ku warameyso Manchester Evening News.
Tan ayaa imanaysa xilli uu Pep Guardiola ka wel-welsan yahay in uu Fernandinho toodbaad kasta ciyaaray xilli ciyaareedkan xilli ay Man United sidoo kale la xiriirtay Fred iyada oo u doonaysa badalka Michael Carrick.
Si kasta ha ahaatee bartilmaameedka ugu weyn ee suuqa January ayaa la sheegayaa in uu yahay daafac dhexe kadib dhaawacyo soo gaaray xiddigaha daafaca.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply