Goorma Ayaa La Ciyaari Doonaa Horyaalka Xiisaha Badan Yeelan Doona Ee UEFA Nations League

Waxa la soo saaray isku aadka tartanka UEFA Nations League oo ay ciyaari doonaan xulalka qaramada yurub ee kala duwan kuwaas oo ay ka qayb galayaan 55 xul oo yurub ah.

Hadaba isku aadka ayaa soo saaray Group-yo dhimasho ah oo ay isaga hor iman doonaan xulalka ugu awooda badan yurub uguna caansa.

Hadii aynu Eegno League A oo ah midka ay isugu yimaadeen xulalka ugu awooda badan Group A1 ayay wada ciyaarayaan saddex xul oo waaweyn kuwaas oo kala ah Germany,France iyo waliba Holland.

Group A3 ayay isaga hor yimaadeen laba xul oo ah xulalka ugu awooda badan waana xulalka Italy iyo Portugla halka Group A4 ay wada ciyaarayaan xulalka Spain iyo England oo ka mid ah xulalka ugu awooda badan.

Hadaba waxa aanu halkan ku soo gudbin doonaa wakhtiga la ciyaari doono horyaalka UEFA Nations League waxanaa aad kaga bogan kartaa halka hoose.

Kulanka 1: September 6-8 ,2018

Kulanka 2: September 9-11, 2018

Kulanka 3: October 11-13, 2018

Kulanka 4: October 14-16, 2018

Kulanka 5: November 15-17, 2018

Kulanka 6: November 18-20, 2018

Final-ka:  june 5-9,2019

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply