Faah-Faahinta Heshiiska Uu Yerry Mina Ugu Soo Biirayo & Wakhtiga Uu Barcelona Iman Doono Oo La Ogaaday

Wargayska Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday faah-faahinta lacagta uu daafaca reer Colombia ee Yerry Mina ugu soo biirayo kooxda Barcelona inta lagu guda jiro suuqa January.

Wargayska ayaa warbixintiisa ku cadeeyay in ay kooxda Barcelona heshiis Rasmi ah la gaartay kooxda Palmeiras kadib wadahadalo wakhti dheer qaatay.

Xiddiga ayaa magaalada Barcelona iman doona jimcaha soo socda si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Barcelona isaga oo noqon doona saxiixii 2-aad ee ay todobaad gudihii kooxdu samayso.

Wargayska ayaa intaa ku daraya in ay kooxda Barcelona heshiiska ku dhamaystirtay lcag dhan 11.8 milyan euro laakiin Palmeiras ayaa Barcelona u sheegtay in ay bixiso lacag dhan 5% oo ay leeyihiin kooxihii uu xiddigu horay ugu soo ciyaaray taas oo la macno ah in uu heshiisku ku kacay lacag dhan 12.4 milyan euro.

Kooxda Barcelona ayaa dhigeeda Palmeiras kala heshiisay saxiixa xiddiga wakhti hore isaga 9 milyan ugu biirayay dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin Kooxda Barcelona ayaa horay u soo dhigtay in ay xiddiga hesho suuqa January si ay ugu buuxiso booska Javier Mascherano oo ka tagaya kooxda sidaa darteed ayay Kooxda reer Brazil lacag badan u dalbatay.

El Mundo ayaa xaqiijisay in uu Yerry Mina qalinka ku duugi doono heshiis 5 iyo bar sidii uu Philippe Coutinho qalinka ugu duugay isla wakhtigaas.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply