Ernesto Valverde Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Espanyol Lugta 1-aad Ee Copa del Rey.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa soo saaray liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono kooxda Espanyol kulan ka tirsan lugta 1-aad ee tartanka Copa del Rey.

Liiska ayay ka maqan yihiin xiddigaha kala Andrés Iniesta Iyo Javier Mascherano oo dhaawacyo kala duwan ku seegi doona kulanka.

Waxa sidoo kale kooxda ka maqnaan doona xiddigaha Samuel Umtiti, Paco Alcácer Iyo Philippe Coutinho ka soo kabsanaya dhaawacyo kala duwan halka Ousmane Dembélé uu muddo bil ah garoomada ka maqnaan doono.

Laakiin Nelson Semedo oo seegay kulankii ugu dambeeyay ee Real Sociedad ayaa taam uu noqday kulanka isaga oo ku soo baxay liiska.

Si kasta ha ahaatee Valverde ayaa dhamaan soo qaatay hubkiisa cusul isaga oo doonaya in uu lugta 1-aadba iska xaadiriyo wareega xiga.

Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska Oo Dhamaystiran

Ter Stegen, Cillessen, Semedo, Piqué, Rakitic, Sergio Busquets, Denis Suárez, Luis Suárez, Messi, Rafinha, Paulinho, Jordi Alba, Digne, Sergi Roberto, André Gomes, Aleix Vidal, Vermaelen, Carles,  Aleñá

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply