Eden Hazard Oo Meel Saaray Mustaqbalkiisa Kooxda Chelsea Qorshihiisa Ayuu Cadeeyay, Mustaqbalka Thibaut Courtois wax ayuu ka sheegay, Maxa Soo Kordhay?

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Eden Hazard ayaa ugu dambayn kala cadeeyay mustaqbalkiisa iyo waliba mustaqbalka xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Thibaut Courtois kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay la sheegayay in ay diideen in ay heshiis cusub u saxiixaan kooxda difaacanaysa horyaalka Premier league ee Chelsea.

Eden Hazard ayaa xaqiijiyay inuu mustaqbalkiisa u hibeyn doono Chelsea isla markaana uu saxiixi doono qandaraas cusub.

Xiddiga reer Belguim ayaa ka qayb galay habeenkii khamiista kulan London ka dhacay oo NBA ah halkaas oo ay kooxda Boston Celtics ka badisay kooxda Philadelphia isaga oo waliba la daawanayay xiddigaha kooxda Man city ee Kevin De Bruyne Iyo Benjamin Mendy.

27 jirkan ayaa dhawaan lala xiriirinayay in uu u dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid laakiin waxa uu xaqiijiyay in uu dhawaaan qalinka ku duugi doono heshiis cusub laakiin uu ka dambayn doona goolhayaha chelsea ee Thibaut Courtois kaas oo isna saxiixi doona heshiis cusub.

“Haa”ayuu Hazard u sheegay Mirrro Markii wax laga waydiiyay in uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda chelsea.

“Waxa aan aaminsanahay in uu Thibaut Courtois horayn doono, kadib aniga ayaa saxiixi doona”.

Hazard ayay 2 sano uga harsan yihiin heshiiskiisa halka Thibaut Courtois uu kaliya hal sano uga harsan yahay heshiiskiisa chelsea.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply