Dib U Eegid: Lionel Messi Oo Bar-Bareeyay Rikoor Uu Dhigay Xiddigii Hore Ee Bayern Munich Ee Gerd Müller

Lionel Messi ayaa sii wada gool dhalintiisii fiicnayd ee xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay gool ka mid ah 3 gool oo ay kooxda Barcelona dhalisay kulan ay Barceloa guul ka gaartay kooxda Levante kana tirsanaa todobaadkii 18-aad ee horyaalka La Liga.

Messi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee sanadka 2018 iyo waliba goolkii ugu horeeyay ee kulanka isaga oo shabaqa dhex dhigay baas uu ka helay xiddiga Jordi Alba.

30 jirka reer Argentine ayaa sidoo kale dhaliyay goolkiisii 16-aad ee horyaalka La Liga ee xilli ciyaareedkan isaga oo sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta horyaalka.

Kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Levante Lionel Messi ayaa bar-bareeyay rikoorkii xiddiga ugu goolasha badan ee kooxda kaliya ee horyaalada yurub ee uu dhigay xiddiga reer Germany ee Gerd Müller.

Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 365-aad ee kooxdiisa Barcelona ee horyaalka La Liga taas oo la macno ah in uu bar-bareeyay rikoorkii Gerd Müller oo kooxda Bayern Munich u dhaliyay 365 gool.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply