Dib U Eegid: Kadib Guuldaradii Foosha Xumayd, Arsenal Oo Laba Rikoor Oo Xun Kala Baxay Garoonka

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro fool xun kala kulantay kooxda Nottingham Forest Kulan ka tirsanaa wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Arsenal ayaa looga badiyay 4/1 kulan uu tababare Arsene Wenger ka ganaaxnaa kooxdiisa kana soo daawanayay ciyaarta taarabuunka.

Arsenal ayaa ugu horayn boorka ka jafatay rikoor ay ugu dambaysay 22 sano taas oo in ay Arsenal guuldaro la kulanto kana harto tartanka FA Cup-ka wareega 3-aad maadama markii ugu dambaysay ee ay wareega 3-aad kaga horto tartanka uu ahaa sanadkii 1996-kii markaas oo ay guuldaro kala kulantay kooxda Sheffield United.

Rikoorka 2-aad ee ay kulanka kala baxday ayaa ah in ay kooxda Arsenal Arsenal tartanka kaga hartay wareega 3-aad markii ugu horaysay tan iyo markii tababare Wenger Loo magacaabay tababaraha Arsenal.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply