Dib U Eegid: Cristiano Ronaldo Oo Horyaalka La Liga Ka Dhigay Taariikh Aan Horay Uga Dhicin, Muxuu Sameeyay

Cristiano Ronaldo ayaa guul weyn ka caawiyay kooxdiisa Real Madrid kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 21-aad iyaga oo kabaha la dulmaray kooxda Valencia.

Kadib labadii rikoore ee uu dhaliyay kulankii Valencia Xiddiga Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa haatan noqday xiddiga ugu badan ee rikoorayaasha gool u badala taariikhda horyaalka La Liga.

Kadib markii uu Ronaldo waayay gool dhalinta qaybtii hore ee horyaalka xilli ciyaareedkan Ronaldo ayaa 4 gool dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Tan ilaa haatan qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan ayaan ahayn mid fiican laakiin xiddigan ayaa haatan dib u helaya qaab ciyaareedkiisii fiicnaa.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaliyay 61 rikoore oo ka mid ah 72 rikoore oo loo dhigay horyaalka La Liga isaga oo kaliya laga qabtay ama iska khasaariyay kaliya 11 rikoore, Isaga oo dhaafay xiddiga Hugo Sanchez kaas oo helay intii uu horyaalka La Liga ka ciyaarayay 71 rikoore

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply