Dib U Eegid: Arsenal Oo Boorka Ka Jafatay Rikoor Ay Isla Iyadu Dhigtay 8 Sano Ka Hor

Kooxda Arsenal ayaa guul fudud ka gaartay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsan horyaalka Premier league todobaadkiisii 24-aad kulan ka dhacay Emirates.

Goolal ay dhaliyeen xiddigah Nacho Monreal,Alex Iwobi,Laurent Koscielny Iyo Alexandre Lacazette ayaa Gunners ka caawiyay in ay gaarto guul ka caawisay in ay wadada saxda ah ku soo laabato.

Kooxda Arsenal ayaa boorka ka jafatay rikoor cajiib ah oo ay isala iyadu dhigtay sanadkii 2011 gaar ahaan bishii february.

3-dii gool ee ay Arsenal dhalisay 13-kii daqiiqo ee ugu horeysay ayaa ah 3-dii gool ee ugu deg-dega badnaa taariikhda premier league.

Gunners ayaa rikoorkan boodhka ka jaftay isla rikoorkan oo ay dhigtay sanadkii 2011 gaar ahaan bishii february kulan ay la ciyaaraysay Newcastle.

Arsenal ayaa kulankaas dhalisay 4 gool laakiin kooxda Newcastl ayaa dib ugu soo laabatay ciyaarta iyada oo ciyaartu ku dhamaatay 4/4.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply