DEG-DEG: Yerry Mina Oo Soo Gaaray Magaalada Barcelona & Wakhtiga Uu Caafimaadka U Mari Doono Barcelona Oo La Ogaaday

Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona ee Yerry Mina ayaa soo gaaray Barcelona kadib markii uu ka soo duulay Sao Paulo isaga oo ay weheliyaan adeerkii ahna wakiilkiisa Jair Mina.

Kooxda Barcelona ayaa kooxda Palmeiras kala heshiisay saxiixa xiddiga reer Colombia iyada oo ka bixin doonta lacag dhan 11.8 milyan euro.

23 jirkan oo daafaca ka ciyaara ayaa maalinta bari tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Barcelona ka hor inta uuna qalinka ku duugin heshiis 5 sano iyo bar ah.

Wali lama diyaarin ama lama shaacin wakhtigii la soo bandhigi lahaa xiddiga maadaama ay kooxdu haatan ku mashaquulsantahay kulanka Celta Vigo ee caawa.

 

Xiddigan ayaa noqday saxiixii 2-aad ee ay kooxda Barcelona samayso suuqa January kadib markii ay Isniintii ku dhawaaqday saxiixa Coutinho.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply