DEG-DEG: Virgil van Dijk Oo Dhaawac Ku Seegaya Kulanka Kooxdiisa Liverpool La Ciyaari Doonto Man City, Maxaa Haleelay?

Xiddiga daafaca uga ciyaara Kooxda Liverpool ahna saxiixooda cusub ee Virgil van Dijk ayaa lagu soo waramayaa in uu seegi doono kulanka muhiimka ah ee ay kooxdiisu maanta la ciyaari doonto kooxda Man City.

Liverpool ayaa maanta Anfield ku soo dhawayn doonta kooxda hogaanka u haysa horyaalka Premier league kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in uuna Virgil van Dijk maanta safan dooni kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka ee Maaliyada Liverpool.

Daafaca dhexe ayaa la sheegayaa in uu dhaawac ka qabo muruqada bawdada taas oo ku keeni karta in uu seego kulanka muhiimka ah ee ay la ciyaari doonaan City.

Virgil van Dijk ayaa kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray Liverpool kulankii ay Reds guusha ka gaartay Everton kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Laakiin waxa ay u muuqataa in uu xiddigii hore ee kooxda Southampton wakhti badan sugi doono in uu kulan horyaalka Ah u safto Liverpool.

Wax macluumaad dheeraad ah lagama soo saarin inta uu maqnaan karo laakiin waxa ay haatan wararku sheegayaan in uu qarka u saaran yahay in uu seego kulanka Maanta.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply