DEG-DEG: Pep Guardiola Oo Taariikh Ka Dhigay Premier League Kadib Markii Loo Magacaabay Tababarihii Ugu Fiicnaa Bishi December

Tababaraha Kooxda Man city Pep Guardiola ayaa taariikh ka dhigay premrier league kadib markii uu ku guulaystay tababaraha bisha markii 4-aad oo xiriir ah.

Tababarahan Man city ayaa ah tababarihii ugu horeeyay ee rikoorkaas sameeya Premier league isaga oo abaalmarinta bishan ku darsaday bilihii September, October Iyo November.

Guardiola ayaya kooxdiisu hogaanka horyaalka ku haysaa 15 dhibcod oo cadaan ah iyada oo ay kooxdiisu bishii December gaartay 6 guulood iyo hal bar-baro.

 

Tababaraha reer Spain ayaa abaalmarintan ku garaacay tababarayaasha kala ah  Sam Allardyce,Antonio Conte,Roy Hodgson,Jurgen Klopp Iyo Mauricio Pochettino.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply