DEG-DEG: Kooxda Man United Oo Talaabo Muhiim Ah U Qaaday Saxiixa Alexis Sanchez

Kooxda Man United ayaa talaabo Muhiim ah u qaaday saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez sida ay haatan sheegayaan wararka imanaya dalka Italy.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaatay heshiis ay kula wareegeyso Alexis Sanchez bisha Janaayo, sida laga soo xigtay wararka ka imanaya Italy.

Xiddigan reer chile oo heshiiskiisa Arsenal dhacayo dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa u muuqday mid ku dhaw in uu ku biiro kooxda Man city inta lagu jiro suuqa bishan.

Si kasta ha ahaatee kooxda Man United ayaa shalay si lama filaan ah ugu biirtay baacsiga loogu jiro xiddigan 29 jirka ah ee reer chile.

Sky Sport Italia ayaa haatan sheegaya in ay kooxda Man United ay Alexis Sanchez la gaartay heshiis Rasmi ah oo ku aadan xiddiga reer chile.

Hadii warkaasi Run yahay waxa ay la macno tahay in ay haatan kooxda Man United qiimaha xiddiga kala hadasho kooxda Arsenal si uu xiddigii hore ee Barcelona uu ugu biiro Old Trafford.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply